Home Full News Article

Wasiirka Ganacsiga oo La Kulmay Madaxa Hay'adda TIKA+SAWIRO

25 Apr, 2021

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya Mr.İlhami Turus oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga iyo weli ba sidoo kale xoojinta tayo-dhowrka Soomaaliya si loo ilaaliyo tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa la dhoofinayo ba.

Waxa kale oo ay ka wada-hadleen tobabaro la xidhiidha ganacsiga iyo in si gaar ah loo taageero loona horumariyo haweenka ganacsiyada ku leh dalka maadaama ay haweenku gacanta ku hayaan ganacsiyada ugu badan Soomaaliya.

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so