Home Full News Article

Shirkii Wasaaradda oo Maanta Loogga Hadlay Dhammeystirka Habka Onlaynka ah Bixinta Laysimada Ganacsiga iyo Weli ba Xog-kadiyaha Ganacsiga +SAWIRO

17 Apr, 2021

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md.Khaliif Cabdi Cumar, ayaan maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda oo loogga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan dhammeystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo Habka Onlaynka ah ee diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada shirkadaha Ganacsiga oo labadoodu ba maraaya heer gebo-gabo ah.

Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa ah Website lagu uruurinayo guud ahaan macluumaadka kala duwan ee la xidhiidha Ganacsiga kaasi oo ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha dalka, fududeynta ganacsiga, iyo maal-gashiga. Waxaana muddooyinkii dambe la waday uruurinta xogaha la xidhiidha ganacsiga kuwaasi oo lagu kaydinayey Website ka si ganacstada iyo maal-gashadeyaasha kale ba ay u heli karaan xogaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka.

Sidoo kale, Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada Shirkadaha ganacsiga,ayaa isagu na ah Website ay ganacsatada iyo maal-gashadeyaashu ba si onlayn ah uga soo dalban karaan Laysimadooda Ganacsi taasi oo fududeynaysa Ganacsiga iyo maal-gashiga dalka maadaama iyada oo ganacsadahu uu joogo xafiiskiisa iyo meheraddiisa shaqo uu soo dalban karo inuu qaato Laysin Ganacsi.

Barnaamijyqdan, ayaa qeyb ka ah dib-u-habaynta Ganacsiga dalka iyo siddii ganacsatada looggu fududeyn lahaa adeegyada ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso.

DHAMMAAD

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so