Home Full News Article

Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Haweenka oo Ka Hadlay Taageerista Ganacsiyada Yar-yar ee Haweenka+SAWIRO

15 Apr, 2021

Shir ku qabsoomay habka foggaan araga ah oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka XFS Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo madaxda sare-sare ee hay’adda UNIDO, ayaa loogga hadlay siddii iskaashi loogga sameyn lahaa kor-u-qaadista iyo horumarinta ganacsiga yar-yar ee haweenka oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo weli ba ganacsiga dalka.

Kulanka oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Md. Isak Xaashi, ayaa ay dhinacyaddu ku dheeraadeen ahmiyadda ay lee dahay in la taageero ganacsiyada yar-yar ee haweenka, wax-ka-qabashada caqabadaha soo waajaha iyo weli ba sidoo kale siddii looggu fidin laha tobabaro iyo taageero maaliyaddeed oo ay ku horumariyaan ganacsiyaddooda.

BACK

Other Images

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so