Home Full News Article

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga oo ka Qeyb-galay Xaflad Loo Qabtay Ganacsato Maal-gelin Looggu Sameeyey Muqdisho+SAWIRO

15 Apr, 2021

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad ay hay’adda Kafi for Development ay u qabatay 80 qof oo ay u sameysay maal-gelin ganacsiga yar-yar ah oo ay ka mid ahaayeen qeybaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka, dharka, dukaamo, gawaadhi, bajaajyo iyo weli ba ganacsiyo kale.

Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo halkaas ka hadlay, ayaa hay’adda KAFI ku boggaadiyey maal-gelinta ganacsi ee ay u sameysay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay si toos ah wax-weyn uga tarayso dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo weli ba qoysaska Soomaaliyeed. Waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan ganacsatadaas yar-yar ee loo sameeyey maal-gelinta ganacsi.

BACK

Other Images

No Images to display from database

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so