Home Full News Article

Wasiir Khaliif oo Bisha Ramadaan ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed Fariina u Diray Ganacsatada Dalka

12 Apr, 2021

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa wuxu umadda Muslimiinta ah iyo shacabka Soomaaliyeed ba uu ugu hambalyeeyey curashada bisha barakeysan ee Ramadaan isaga oo Alle uga rajeeyey inay bisha bisheeda ku gaadhaan caafimaad-qab, cibaado suuban, dambi dhaaf iyo xasilooni.

Wasiirku, wuxu fariin u diray dhammaan Ganacsatada dalka oo uu ka codsaday inay bisha barakaysan awgeed ay u naxariistaan shacabka maadaama muddooyinkii dambe ay saameeyeen duruufo adag oo iskugu jiray abaaro baahsan iyo xanuunka COVID-19 oo taabtay guud ahaan nolosha dadka. Waxaana uu u soo jeediyey in iyaga oo ka faa’idaysanaya cashuur dhaafkii ay dawladdu u sameysay ay qiimo dhimis ku sameeyaan waxyaabaha quutal daruuriga ah ee shacabku aadka ugu baahan yihiin sidoo kale na bishaa gudaheeda ay afuriyaan ama taageeraan qoysaska danyarta ah.

Ugu dambeyn, Wasiir Khaliif, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyey in bishan barakaysan awgeed la badiyo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan ee ay ugu horreeyaan inaynnu u naxariisanno oo is-garab taagno dadka danyarta ah.

BACK

Other Images

No Images to display from database

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so