Home Full News Article

Golaha Wasiirada XFS oo Ansaxiyey Siyaasadaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Ganacsiga yar-yar+SAWIRO

25 Feb, 2021

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansaxiyey Siyaasadda Ganacsiga Qaranka, Siyaasadda Horumarinta Warshadaha Soomaaliyeed iyo weli ba siyaasadda Shirkadaha yar-yar iyo Kuwa dhexe oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay sidoo kale na soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.

Saddexdan siyaasaddood, ayaa ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha wadanka, shaqo-abuurka, horumarka iyo fududeynta ganacsiga, kor-u-qaadista wax-soo-saarka Warshadeynta, cayimidda aagga Warshadaha ee dalka, wax-ka-qabashada caqabadaha hortaagan horumarka Warshadaha, taageerista ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe, dhiiri-gelinta maal-gashadeyaasha, tiknoolajiyadda, dhiiri-gelinta ganacsiga haweenka iyo hal-abuurka ganacsiga dhallinyarada, horumarinta dhoofka badeecadaha dalka, isku-dheeli-tirka ganacsiga iyo weli ba xoojinta heshiisyada ganacsiga ee gobalka iyo kuwa caalamka ba.

Siyaasaddahan, ayaa ay dedaal xoog ah ku bixiyeen madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, Wasiir-dawlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo weli ba sidoo kale la-taliyeyaasha Wasaaradda, waxaana ay soo mareen marxalado kala duwan iyada oo la-tashiyo laga la soo sameeyey dhammaan ba hay’adaha dawladda ee ay khusayso, dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo ganacsatada iyo warshadlayda dalka, waxaana ay noqonaysaa muddo 30sanno ka dib markii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelanayso siyaasado noocan oo kale ah.

DHAMMAAD

BACK

Other Images

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

media@moci.gov.so