Home Full News Article
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda oo loogga hadlay qorsheyaasha iyo hawlaha shaqo ee Wasaaradda gaara ahaan qorshe-hawleedkii 100ka maalmood ee Wasaaraddu kaga qeyb-galaysay wax-qabadka Xukuumadda cusub ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Barnaamijyada Xog-kadiyaha Ganacsiga, Habka bixinta laysimada iyo Diiwaan-gelinta shirkadaha ee Khadka Internetka ee Onlaynka ah iyo weli ba qodobo kale oo muhiim ah.
Kulanka oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Md. Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda ba, ayaa Wasiirku ku boggaadiyey dedaalka ay sameeyeen mas’uuliyiinta Wasaaraddu, waxaana la isku raacay in la-dar-dar-geliyo hawlaha shaqo ee Wasaaradda sidoo kale na adeegyada iyo shaqooyinka qaran ee Wasaaraddu qaabilsan tahay aanay saameynin xaaladda siyaasaddeed ee wadanku ku jiro oo si hufan looggu adeego ganacsatada iyo shacabka ba
BACK