Home Full News Article
Digreeto heer Wasiir ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa lagu kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee hadda jira, waxaana si ku meel-gaadh ah loo magacaabay guddi sii wadi doonta xil-hawleedka Ganacsiga, sidoo kale na ka shaqeyn doonta diyaarinta doorashadii lagu soo dooran lahaa maamul kale oo beddela maamulkii hore u jiray.
Digreetadan heer Wasiir oo uu Warbaahinta u akhriyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa lagu xusay in ka dib markii Wasiirku darsey xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada dalka oo ay curyaameen hawlaha laga ma maarmaanka u ah horumarinta ganacsiga dalka iyo qodobo kale ba uu go’aan ku gaadhay in dib-u-habayn lagu sameeyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Hoos ka akhri, Digreetada Wasiirka oo soo baxday maanta oo taariikhdu tahay 28ka Diisember 2020.
BACKNo Images to display from database