Home Full News Article

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Si Rasmi ah u Saxeexay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shirkadaha Soomaaliya+SAWIRO

27 Dec, 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxeexay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo-saaray 26kii bishii 12aad 2019 isla-mar-ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo Sharciga Shirkadaha kaas fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.

Kulankan lagu saxeexayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxeexay sharcigaas ka dib, la hadlay Warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax-soo-saarka iyo maal-gashiga sidoo kale na horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka. Isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo.

Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-gelinaayo sharciga Shirkadaha Soomaaliya oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta ganacsiga, ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana si wada-jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay'adda IFC kaasi oo gebo-gabadii na ku soo dhammaaday si guul ah.

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

info@moci.gov.so