Home Full News Article
Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shir-weynahii labaad ee haweenka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan, ayaa loogga hadlay siddii loo dhiiri-gelin lahaa ganacsiga haweenka, wax-ka-qabashada caqabadaha jira iyo weli ba siddii looggu fududeyn lahaa ganacsiga gaar ahaan maal-gelinta ay sameeyaan baananka wadanka iyo hay'adaha kale ee Maaliyaddeed ba.
Wasiir Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa boggaadiyey shirkan, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu lee yahay ganacsiga haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay kaalin muuqato kaga jiraan dhismaha dalka, shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha sidoo kale na ay haweenka Soomaaliyeed duruufo badan kala soo dabbaasheen wadanka.
Wuxu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay si dhow u taageeraan ganacsiga haweenka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay gacanta ku hayaan mashaariicdii iyo siyaasadihii lagu dhiiri-gelinaayey horumarinta ganacsigooda kuwaasi oo abuuraya jawi degan oo ay ku ganacsan karaan.
BACKNo Images to display from database