Home Full News Article
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta furay shirka Madasha Labaad ee Horumarinta Dhoofka Soomaaliya oo ay soo abaabuleen Golaha Dhiiri-gelinta Dhoofka ee Soomaaliya oo ay ku bahoobeen ganacsato Soomaaliyeed.
Wasiirka oo ay wehelinayeen Agaasimeyaasha Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Wasaaradda, ayaa waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan xaaladda Ganacsi ee wadanka iyo kaalinta ay Wasaaraddu kaga jirto dhiiri-gelinta iyo horumarinta dhoofinta wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku dhuftay in Wasaaraddu ay mar walba u taagan tahay siddii suuqyo ganacsi looggu heli lahaa wax-soo-saarkeena, sidoo kale na loo fududeyn lahaa ganacsiga iyo dhoofinta wax-soo-saarka wadanka.
BACK