Home Full News Article

Wasiirka Ganacsiga iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Ka Wada-hadlay Siddii Wax-soo-saarka Soomaaliya Looggu Dhoofin Lahaa Turkiga+SAWIRO

21 Nov, 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz oo sidoo kale na uu wehelinaayey safiir ku xigeenkiisa Danjire Ismail Emre kosif, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga, fududeynta ganacsiga iyo isku-dheeli tiridda ganacsiyada ay is-waydaarsadaan labada wadan isla-mar-ahaantaana kor loo qaado ganacsiga Soomaaliya u dhoofiso wadanka Turkiga.

Wasiirku, wuxu si gaara uu safiirka uga codsaday in ganacsatada Soomaaliyeed loo fududeeyo siddii ay wax-soo-saarka dalka ay ugu dhoofin lahayd wadanka Turkiga. Waxa kale oo ay isla soo hadal qaadeen in la dhammeystiro heshiiska TEPA ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

BACK

Other Images

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

info@moci.gov.so