Home Full News Article

Wasiir Khaliif oo Qado Sharaf u Sameeyey Qaar Ka Mid ah Safiirada Soomaaliya ee Caalamka+SAWIRO

18 Nov, 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Md. Cali Maxamed Sh. Bagadi, ayaa kulan qado sharafeed ah la qaatay qaar ka mid ah safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka caalamka.

Kulankan oo sidoo kale na ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md. Axmed Ciise Cawad iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Md. Maxamuud Cabdullaahi Sh. Siraaji, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii iskaashi loogga sameyn lahaa horumarinta xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka, raadinta suuqyo ganacsi oo caalami ah, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo weli ba sidoo kale sidii kor looggu qaadi lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Safiirada Soomaaliya ee dalalka caalamka.

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

info@moci.gov.so