Home Full News Article

Wasiirka Ganacsiga oo Ka Qeyb-galay Kulan Loogga Hadlaayey Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya+SAWIRO

17 Nov, 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo galabta ka qeyb-galay munaasibad loogga hadlaayey horumarinta ganacsiga yar-yar iyo caqabadaha soo waajaha hal-abuurka dhallinyarada oo ay soo qaban-qaabisay jaamacadda SIMAD gaar ahaan mac-hadka #IITEinstitute , ayaa ka qabsoomay Muqdisho.

Munaasibaddan oo Wasiirka uu ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Kobcinta Ganacsiga yar-yar iyo kuwa dhaxe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Ibraahim Ciise, ayaa sidoo kale waxa kulanka loogga hadlay siddii hay’adaha maal-gelineed iyo baananku ba ay ganacsatada yar-yar ugu fududeyn lahaayeen fursadaha maal-gelineed ee ay bixiyaan si dhallinyarada wadanku ay ugu dhiiradaan inay la yimaadaan hal-abuuro ganacsi oo waaweyn.

DHAMMAAD

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

info@moci.gov.so