Home Full News Article

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirada Soomaaliya u Qaabilsan Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan+(SAWIRO)

16 Nov, 2020

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo weli ba siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Md.Cali Maxamed Sh. Bagadi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.

Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo weli ba heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika(AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada XFS. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xidhiidhka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo weli ba siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.

DHAMMAAD

BACK

Mogadishu, Somalia

Mohamoud Harbi Road, Behind the Somali National Theater

+25268 3459526

info@moci.gov.so